UEFA Oo Is Badal Ku Samayn Doonta Xeer Champions League Maxaa ka mid ah

Xiriirka kubada cagta UEFA Champions League  ayaa meesha ka saari doona Is Badalna ku samayn doona xeer u yaala tartamada yurub ee Champions League iyo Europa League xilli ciyaareedka .

Wararka ayaa sheegaya in UEFA isku diyaarinayso in ay meesha ka saarto xeerka goolka Martida kaas oo sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid muran badan dhaliya xiriirka UEFA Champions League 

Xeerka ayaa hada shaqeya  marka ay koox bar-baro galaan labada lugood laakiin ay koox gool ku soo dhaliso garoonka kooxda kale kaas oo tartamada UEFA ka shaqanayay tan ilaa dhamaadkii 1960-kii.

Sida laga soo xigtay wargayska dalka Germany ee Kicker, Guddida fulinta UEFA ayaa Kulmi doona si looga hadlo Is Badalkaas inkasta oo aan go,aan deg-deg ah laga gaarin doonin.

Xeerkan ayaa kubada casriga ah ee waqti xaadirkan laga keenay su,aal badan xilli ay dhalisay muran badan taas oo keentay in ay Madaxda UEFA Ka fikiraan arintaas.