UEFA oo ku dhawaaqday Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta isbuuca ee Champions League

Xiddiga kooxda Atalanta ee Josip Ilicic ayaa ku garaacay Jan Oblak abaal-marinta laacibk Isbuuca ee Champions League, kaddib markii uu 4 gool banaanka ku soo dhaliyay.

Weeraryahanka waayeelka ah ayaa 4 gool u dhaliyay kooxdiisa Atalanta, kaddib markii ay naadiga Valencia guusha kaga qaateen 3-4, taasoo sahashay in tikitka ay u goostaan wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League markii ugu horreysay abid.

Josip Ilicic  ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Slovenia oo saddexleey ka dhaliya tartanka Champions League iyo xiddigii 35 qaran kala duwan ee saddexleey ka dhaliya tartankan.

Sidoo kale Josip Ilicic  ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’ada weynaa ee meel ka baxsan garoonka kooxdiisa saddexleey kaga soo dhaliya Champions League, waxaana uu ku soo dhaliyay isagoo jira 32 iyo 41 maalmood, wuxuuna rikoordhkaas ka dul qaaday Ibrahimovic.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com