Unai Emery Muxuu Ka Yiri Hadii Ay Tabayaan Neymar & Xidiga Bedalkiisa Uu Isticmaali Doono Caawa

Tababaraha kooxda kubada cagta PSG, ee dalka Faransiiska, kaasoo warbaahinta la hadlay ka hor dheesha ay caawa la balansan yihiin Real Madrid, ee lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League, ayaa hoos udhigay inay tabi doonan Neymar.

Neymar, ayaa wuxuusan udheelin doonin kooxdiisa caawa, maxaa yeelay qaliin ayaa cagta-lugta midig looga sameeyay kadib dhaawac kasoo gaaray, wuxuuna Unai Emery sheegayaa inuu heli karo ciyaaryahano kale, oo uu bedalkiisa adeegsado.

Mid kamid ah, ciyaartoyda ugu cad-cad ee uu Macalinkaan reer Spain, isticlaami karo ayaa wuxuu yahay laacibkii hore ee Los Blancos, Angel Fabio Di Maria, wuxuuna soo dhaweeyay Hogaamiyaha PSG, fikrada uu ku dooqan karo xidigaan reer Argentina.

“Marka uu hal ciyaaryahan kaa maqan yahay, waxaa kuu furan inaan soo doorato mid kale – dhamaan ciyaartoydeena Caawa, waa kuwa muhiim ah – Midka kusoo bilaaban doono, waxaan arki doontaa marka ciyaarta ay bilaabato,” ayuu yiri.

Mar la su’aalay hadii uu Di Maria kusoo bilaabi doono, bedalka Neymar ayuu ku jawaabay: “Di Maria, waa ciyaaryahan wanaagsan, kaasoo leh Khibrad fiican, aqoon badana u leh [Real Madrid] marka waan arki doonaa caawa [Hadii kusoo bilowdo].

“Laakiin, waxaa muhiim ah inaad ogaato inaan caawa madaxa iyo qalbiga aan ka dheeleyno, laakiin ma ahan mid muhiim ah midka aan soo dooran doono, waxaana muhiim ah inaan si dareen leh uciyaarno,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com