Unai Emery Oo Dhulka Ku Jiiday Kooxdiisa Kahor Kulanka Premier League Xili Uu Sharaxay Sababta

Tababaraha naadiga Arsenal, ninka lagu magacaabo Unai Emery, ayaa wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisu ay tahay mid laga fiican yahay marka ay timaado in lala barbardhigo Tottenham,

Gunners iyo Spurs ayaa gorada is-deri doona xili dambe oo Axadda ah maanta ah, kulan ciyaareed ka tirsan tartanka wayn ee Premier League ee wadanka UK.

Emery oo kahor dheesha uwaramay warbaahinta wuxuu cod dheer ku qeexay inay wajahayaan koox ka adag, ka abaabulan, islamarkaana ah kuwa isku xiran.

Balse, wuxuusan meesha ka saarin inay diyaar-sadeen qorshooyinkii ay ku kala dhan-taali lahaayeen dhamaan sheekooyinkaasi, isaga oo xusay inay dhinac uga soo wada jeesan donan.

“Xaqiiqadii, Tottenham waa ay ka fiican tahay Arsenal….Sababta oo ah isku xirnaanta, abaabulka weerarka iyo wadashaynta,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Balse, inaga waxaan awoodnaa inaan sameyno suurtagalnimo kasta oo aan ku burburin karno, waxaana usoconaa guul,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Unai Emery.