Unai Emery Oo Fahfaahiyay Sirtii Ka Dambeysay Inay Guul Yaab Leh Ay Ka Helaan Tottenham Kulankii EPL

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa wada dheelay kulan aad uxiiso badnaa, kaasi oo qayb ka ahaa horyaalka Premier League, oo kusoo dhamaaday 4-2.

Ciyaartaasi kadib, maamulaha Gunners-ka ninka lagu magacaabo Unai Emery oo saxaafadda u waramay ayaa shaaciyay sirtii ka dambeysay guushooda.

Tababarahaan reer Spain ayaa cod dheer ku qeexay in adkeysasho iyo ka go’naansho balaaran ay sabab utahay guusha ay kooxdiisa ka heshay Spurs.

“Inaga ayaa hogaanka qabanay…Kadibna iyaga ayaa la wareegay, markaasi kadib waxaan kusoo celinay kulanka garbno siman,” ayuu hadalkiisa udhigay.

“Intaasi kadib, wax kasta waa ay is-bedaleen, sababta oo ah inaga oo aanan waxba ka bedali muuqaalkeena iyo niyadeena,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Sidaasi darteeda, waxaan muujinay inay ka go’an tahay sidii aan uguuleysan lahayn, waxaana ku farax-sanahay sida aan uga fal-celinay arrimahaasi oo dhan,” ayuu  hadalkiisa kusoo xiray.