Unai Emery Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Tottenham Kahor Kulanka Adag Ee Premier League

Arsenal iyo Tottenham ayaa wada dheeli doona kulan ciyaareed aad u adag, kaasi oo ka tirsan tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Premier League.

Kulan ciyaareedkaan ay wada dheelaan naadiyaddani oo loo yaqaano Darbiga Waqoyga London waxaa uu ka dhacayaan qalcadda Gunners-ka.

Kahor dheesha, maamulaha Arsenal oo warbaahinta la hadlay wuxuu si cad u sheegay inay doonayaan sidii ay Labo cad uga dhigi lahaayeen kooxda Spurs.

Ciyaartoydiisa ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan inay muujiyaan awoodooda ciyaareed, isaga oo xusay inuu kulankaan uleeyahay muhiimad gaar ah.

“Ciyaarta waa run inay adag tahay, balse, waxaan xaqiiqo ah inaan ubaahan nahay guusha…Marka, waxaan isku deyi doonaa inaan burburino iyaga,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Unai Emery ayaa qiray inay kala kulmi karaan Tottenham dhibaato, maadaama ay todobaadkii hore ay dubteen dhigooda Chelsea.