Unai Emery Oo Shaaciyay Sababta Uu Ozil U Seegay Kulankii Ay Dubteen Bournemouth Ee EPL

Unai Emery ayaa wuxuu sheegay in xaalad caafimaad darteeda uu ciyaarahan Mascuud Ozil u seegay kulankii ay 2-1 uga badiyeen dhigooda Bournemouth.

Ozil ayaa dhibaato caafimaad oo jir ahaan ah useegay kulankaan, sida laga soo xigtay Emery, kaasi oo wacad ku maray inuu xidigaan dheeli doono kulamada soo socda.

“Inaga waxaan ka fekeraynay sida aan inaga u noqon lahayn kuwa jir ahaan aad u wanaagsan, taasi ayaana u go’aansanay in aanan dheelsiinin,” ayuu yiri Emery.

“Sidoo kale, maanta waxa aan waynay saddex dambeed daafac, kuwaasi oo isla xaaladaasi oo kale wajahaya,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Xili ciyaareedka waa mid bilow ah..Shaqo badan ayaan nalka doonayaan…Masuuliyadda waxay saaran tahay inaga,” ayuu daba dhigay kalmadiisa.

“Ciyaartoydeena inay helaan muuqaal ciyaareed wanaagsan waa masuuliyad ina saaran,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray maamulaha naadiga Gunners-ka.