Unia Emery Oo Fahfaahiyay Qorshaha Uu Doonayo Inuu Dib Ugu Soo Celiyo Arsenal Wadada Guulaha

Hogaamiyaha cusub ee Arsenal Unai Emery ayaa wuxuu sheegay in waxa ugu wayn ee uu waqtiga ugu badan gelin doono ay noqon doonto inuu ka dhigo kooxda mid ay kubadeeda ku raaxeystaan taageerayaasha.

Ninkaan udhashay wadanka Spain ayaa waxaa uu shaqadda kala wareegay Arsena Wenger, kaasoo hayay taliska Gunners-ka 22-kii sano ee lasoo dhaafay xili uu iska casilay horaanta bishii June.

Emery ayaa waxaa hadda hortaala inuu shaqo badan ka qabto kooxda, isaga oo wareysi siiyay Telafishinka Sky Sport ee dalka Ingiriiska wuxuu wacad ku maray inuu naadiga ka dhigi doono mid si fiican u abaabulan.

“Guushu waa horumar, koritaan, dhisida hal koox oo leh shaqsiyad, kadina waxaan dooneynaa inaan badino,” ayuu yiri Emery.

“Waxaan doonayaa sameey wadadaas oo hal, iyadda oo aan eegayno shaqsiyadda, iyo inay nagu raaxeystaan taageerayaasha.

“Waxaan eegaynaa wadaas, hal koox oo leh dulqaad, tayo, isku duuban, iyo dhabaha aan ugu dhawaan karno guul mustaqbalka dhow,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Unai Emery.

Arsenal kulanka furitaanka horyaalka Premier League waxay wajihi doonan kooxda difaacaneysa EPL ee Manchester City ciyaar dhici doonta maalinta Axadda ah ee Isbuuca soo socda.