Valverde Muxuu Ka Yiri Guushii Bilbao, Hadii Ay Tabeen Suarez & Inay La Liga Qaadi Karaan Guul Daro La’aan

Tababaraha kooxda kubada cagta Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverde ayaa wuxuu ka hadlay guushii ay ka gaaraan dhigooda Athletic Bilbao, taasoo ahayd 2-0, islamarkaana ay kaga gaareen garoonkooda Camp Nou.

Guushaan ayaa waxay heshay Barca iyaga oo uu ka maqan yahay ciyaaryahan Luis Suarez, waxaana uu sheegayaa Ernesto Valverde in maqnaanshaha Suarez aysan waxba udhimin bandhiga kooxdiisa ayna awood uyeesheen inay guusha ay helaan.

“Aniga kama baqo waxa ay dadku rajeynayaa, waxaana guuleysan karnaa xaalad kasta oo halis ah – Waxaan sheegeynaa mar walba inaan haysano mar walba fursado badan,” ayuu Valverde usheegay wariyaasha kadib ciyaartii Bilbao.

Mar la weydiiyay hadii ay qaadi karaan La Liga iyaga oo aanan laga badin xagaagan maadaama illaa iyo ay guul daro la’aan yihiin 25 kulan ayuu ku jawaabay: “Waan jeclahay [inaanan guul areysan] laakiin maxaa hada uga hadleysaan?” ayuu weydiiyey suxufiyiinta.

“Waxaan guul dareysan karnaa kulanka soo aadan, mar walba waxana udheelynaa inaan guuleysano, Bareejo ama guul daro, maxaa yeelay xili ciyaareedku waa dheer yahay kulamo badana waa ay inoo harsan yihiin,” ayuu hadalkiisa kusii daray

Muuqaal ciyaareedkii uu Osman Dembele ciyaarta ka sameeyay inta uu kulanku socday ayuu ka yiri: “Wuxuu isaga leeyahay bandhig wanaagsan, wuxuuna muujiyey inuu si fiican ula qabsanayo qaab ciyaareedka kooxda, wuxuuna ku jiraa la qabasasho.

“Xiriirka qolka labiska iyo isaga ayaa wuxuu yahay mid fiican, waxaana aaminsanahay inuu hada qaadayo talaabo fiican waxaana rajeynayaa inuu siidaan sii joogteeyo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Ernesto Valverde.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com