Valverde Muxuu Ka Yiri Guushii Xalay, Dhaawaca Suarez & Dareenkiisa Usoo Bixitaanta Real Wareega 8 CL

Tababaraha Barcelona, ee Ernesto Valverde, kaasoo warbaahinta la hadlay kadib guushii ay ka gaareen xalay dhigooda Espanyol, taasoo ahayd Final-ka tartanka Catalan Super Cup, ayaa sheegay inay ku farax-san yihiin inay hantaan koobka.

Barcelona, ayaa waxay ku qaadeen koobkaan Rigoorayaal, kadib markii labadda dhinac ay ku kala baxeen Bareejo goolal la’aan ah guud ahaan 90-ka daqiiqo iyo kuwii dheeriga ahaa ee lagu daray inta ay ciyaartu socotay.

Denis Suarez, oo Bluagrana ka tirsan ayaa ku dhaawacmay kulankaan, waxaana Valverde uu xaqiijiyay in xidigaan uu maalmo saalada qaliinka saarnaan doono, islamarkaana wuxuu rajeeyay inuu si deg deg ah usoo caafimaadi doono.

“Waxaan ku amaanayaa sida uu garoonka ugu shaqeeyay, maxaa yeelay wuxuu udheelay si ka go’aanansho ah, waxaana uu yahay mid dhaawac uu soo gaaray, waxaana rajeynayaa inuu wax xoogaa naga dhaqnaado,” ayuu Valverde usheegay wariyaasha.

“Ma garan karo, waqtiga uu soo laaban doono, laakiin waxaan kuu sheegayaa inuu noogu soo laaban doono, sida ugu dhow uguna macquulsan,” ayuu hadalkiisa kusii daray, hogaamiyaha kooxda hogaamineysa La Liga.

Valverde oo dhiibtay fikradiisa usoo bixitaanka wareega Sideed ee PSG kadib markii ay garaaceen PSG labada lugood ayaa yiri: “Lugtii koowaad PSG waa ay fiicneed, laakiin Real ayaa guusha ku heshay Labo goo loo layaab leh.

“Habeen Taladaadda, waxay Real Madrid sameysay wixii ay ahayd, mar walba waxay yihiin kuwa sameeya, waxa ay yihiin, laakiin ma ahan iyaga koox naga soo horjeeda oo garaaci karta inaga,” ayuu cod dheer ku sheegay Valverde

Gaba gabadii kulanka ay Arbacada la balansan yihiin dhigooda Chelsea, kaasoo ka tirsan wareega 16-ka Champions League, ayuu sheegay inay rajeynayaa inay sameeyaan wax walba oo macquul ah si ay wareega 8-da ay tiiksadaan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com