Valverde Oo Ka Hadlay Dhaawaca Messi Iyo Hadii Ay Ka Maarmaan

Tababaraha kooxda kubada cagta Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverde oo warbaahinta uwaramay kadib barbarihii ay la galeen xalayto dhigooda Sevilla ayaa wuxuu qiray in kooxdiisa aysan si fiican udheelin.

Barbarahaan xitaa ma aysan heli lahayneen Lionel Messi oo kulanka bedal kusoo galay iyo Luis Suarez ayaa waxay jawiga kulanka ay qaseen Tobbankii daqiiqo ee ugu dambeysay iyagoona goolasha bareejada ku dhaliyay wax ka yar Hal daqiiqo.

Sevilla oo iska khaarisay guul ay hubtay ayaa goolasha ka kala heshay ciyaartoyda kala ah: Franco Vazquez iyo Luis Muriel kala diray qeybtii koowaad iyo bilowgii qeybta labaad, laakiin Valverde ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in Messi ay wax badan uga mahadnaqayaan.

“Waa run in Messi dhaawaciisa uu yahay mid nasiib daro ah, waxaana soo qorsheeyay mar hore inaan sameeyay wixii aan ku dhaqaaqay oo ah inaan qeyb kamid ah kulanka aan dheelsiiyo, waxaana uu maqnaa qeyb aan ubaaneen,” ayuu yiri.

“Natiijadaan uma tixraacayo midii Argentina, messi hadii uu ka maqan yahay halkaan, kooxda waa ay dhibtooneysaa, maxaa yeelay waqti walba oo uu taabto kubada [Banooniga] waa mid wax go’aamin kara,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Mar uu si kooban usoo hadal qaaday kulanka ay la ciyaari doonan Isbuuca kooxda AS Roma ee ka tirsan Champions League ayuu cod dheer ku sheegay inay diyaar u yihiin inay si weyn oo balaaran ay isugu diyaariyaan ciyaartaas.

“Qeybtii koowaad waxaan sameynay qaladaadyo oo dhanka Koornooyinka ah, waxaana ay ahayd wax aad u adag, xitaa Sevilla waxay ka dhigi katay 3-0, laakiin waxaan dooneynaa inaan saxno wax walba, aakhiritaankii 2-2 ayaan ku kala baxnay, waana astaanka Banooniga.

“Kulanka inta uu socday waxaan ahayn kuwa aan waxba sameynin, xaqiiqada ah inay naga dhaliyeen labo gool oo deg deg ah ayaa na saameysay, marka ma aanan isdhiganin, waxayna nagu dhacday tan oo kale, xagaagan hal jeer,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Sikastaba, kulanka ay Barcelona la balansan tahay Isbuucaan gaara ahaan maalinta Arbacada ah ayaa waxaad kala socon doontaa wax walba oo aad uga baahan tahay halkaan Laacib.so iyo waliba natiijada guud ahaaneed ee ciyaartaan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com