Valverde Oo Ka Hadlay Guushii Malaga, Bandhiga Dembele, Kulanka Chelsea & Rajadooda La Liga

Tababaraha kooxda kubada cagta Barcelona, Ernesto Valverdea ayaa wuxuu ka hadlay guushii ay kooxdiisa ka gaartay dhigeeda Malaga ciyaar ka tirsaneed horyaalka La Liga, ee wadanka Spain, taasoo 2-0 kusoo dhamaatay.

Sikastaba, Valverde oo la hadlaya warbaahinta ciyaarta kadib ayaa sheegay in guushaan ay ahayd mid muhiim ah, islamarkaana wuxuu muujiyay sida ay ugu farax-san yihiin inay soo gaaraan.

Valverde ayaa wuxuu kaloo ka hadlay bandhigii uu kulankaan sameeyay Osman Dembele, kulanka ay Champions League ku wajahaan Chelsea iyo waliba rajadooda La Liga iyo xitaa hadii ay Madrid daafacan karto.

Bandhigii Dembele mar uu ka hadlayay ayuu yiri: “Dembele [intii uu garoonka ku jiray] mar walba waa uu isdeyay, waana ciyaaryahan waqti ubaahan, waa uu yar yahay hadana dhaawacyo ayaa wareeriyay, taasoo cadaadis saartay.

“Maanta wuxuu wali gaaray talaabo kale, taasoo horey uwaday isaga,” ayuu hadalkiisa kusii daray hogaamiyaha Bluagrana

Kulanka Chelsea ee Champions League ayuu ka yiri: “Waan ku dhibtoon doonaa inaan ka badino Chelsea, inaan dhalino gool waqti hore waa mid muhiim ah, inaan qaadano Casaan waa mid noo fudud inaga.

“Qeybta labaad inaan ku bilaabo si macquul ah, ayaan ka fikireynaa ciyaarta Arbacadda,” ayuu si daba dhigay

“Dabcan waxay yihiin kuwa wali ku xifaaltamaya horyaalka – Waxay wali leeyihiin loolan illaa iyo xisaabta horyaalka kala sareyntiisa ay dhinac udhacdo, ma tirinayo aniga, laakiin  waan shaqeyn doonaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com