Valverde Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Suurta-galnimada Inuu Neymar Kusoo Laabto Barca

Kadib markii warbaahinta qaar ay tabiyeen warar ku saabsan in Neymar uu lasoo xiriiray maamulka Barcelona uuna ka socdsaday inuu dib usoo laabto ayaa waxaa sheekadaas wax laga weydiiyay Ernesto Valverde.

Neymar, ayaa wuxuu Bluagrana, uga biiray fasal ciyaareedkii hore dhigeeda PSG, kadib markii lagu iibsaday aduun lacageed dhan 222 Milyan, taasoo ka dhigtay ciyaaryahanka koowaad ee dunida ugu qaalisan.

Laacibkaan reer Brazil, ayaa wuxuu hada yahay mid dhaawac garoomada uga maqnaan doona inta ka harsan xili ciyaareedkan, kadib markii Qaliin looga sameeyay Lugta midig, halkaasoo uu ka Jabay.

“Soo laabashada Neymar, waa mid Khiyaali ah,” ayuu ku jawaabay Valverde markii la weydiiyay hadii laacibkaan ay macquul tahay inuu kusoo laabto garoonka ku yaala Gobolka Catalonia ee Camp Nou.

“Ma naqaan inaga meesha aan ka imaanay ama meesha aan ku dhameysan doono,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Marka ma dooneyno inaan wax badan kasii hadalno sheekooyin saadaalin ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay hogaamiyaha kooxda kaalinta koowaad kaga jirta shaxda kala horeynta ee La Liga.

Sikastaba, Ernesto Valverde, macalinka Barcelona ayaa wuxuu hadalkaan sheegay xili uu ku guda jiray shirkiisa Jaraa’id ee ka horeeya ciyaarta ay Habeen dambe la dheeli doonan kooxda Malaga, taasoo La Liga ka tirsan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com