Van Gaal Oo Dhulka Ku Jiiday Xidig Ka Tirsanaa Barca: “Gool ma dhalin Karin, Mana Carari Karin”

Macalinkii hore ee Barcelona, ninka lagu magacaabo Louis van Gaal ayaa wuxuu baalasha uu ka tifay ciyaaryahankii hore ee Camaaliqada La Liga, Juan Roman Riquelme.

Xidigaan oo wadanka Argentina, udhashay ayaa wuxuu ka fariistay kubada cagta sanadkii 2015, isagoona Barcelona, usoo dheelay intii udhaxeysay 2002-05.

Wuxuu kamid ahaa, ciyaartoydii ugu tayada ugu fiicneed xiligii uu isaga kubada cagta ku jiray, waxaana uu ahaa mid kamid ah xidigihii ugu fiicnaa ee Argentina, soo martay.

Image result for Van Gaal

Riquelme, inkastoo uu ahaa ciyaaryahan weyn hadana intii uu la joogay Val Gaal waxba ma uusan sameyn, illaa iyo uu ka tago uuna ku biiro Villarreal, halkaasoo uu ku raaxaystay.

Laakiin, Van Gaal oo la weydiiyay su’aal ku saabsan, ciyaaryahankaan ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay inuu ahaa mid aanan uqalmin in garoonka lasoo geliyo

“Riquelme ma uusan dhalin jiray, mana uusan ordi karin,” ayuu ku jawaabay macalinkii hore e Man United, xili uu su’aashaan weydiiyay qof wada socday, sida laga soo xigtay Majalada caanka ah ee MARCA, oo kasoo baxda wadanka Spain.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com