Vicente del Bosque Oo Shaaciyay Sababta Ay Hoos Ugu Dhacday Qiimahii Ay Lahayd Abaalmarinta Ballon d’Or

Maamulihii hore ee xulka qaranka kubadda cagta Spain iyo naadiga Real Madrid, ninka lagu magacaabo Vicente del Bosque, ayaa sheegay in qiimahii ay lahayd abaalmarinta Ballon d’Or ay hoos udhacday.

Del Bosque ayaa wuxuu ku sheegay sababta markii laga dhex-waayay liiska ciyaartoyda usharaxan sanadkaan ciyaaryahan Lionel Messi, xidiga Barcelona.

Luka Modric, kabtanka xulka Croatia ayaa loo arkaa inuu yahay murashaxa ugu cad-cad, kaasi oo waqti xaadirkaan culeys xoogan saaraya xidigo dhowr ah.

“Aniga aad ayaan ula yaabay in Lionel Messi uusan qayb ka ahayn,” ayuu yiri Del Bosque, xili uu wareysi dhinacyo kala duwan ka hadlaya uu siiyay MARCA.

“Abaalmarintani waxay aaminsan yahay inay qiima beelayso marka aysan hogaamineynin ciyaartoyda dunida ugu wanaagsan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Taasi waa midaas…waa ugu yaraan, iyo qariibka ugu yar,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Maamulihii hore ee xulka qaranka kubadda cagta Spain iyo naadiga Real Madrid, ninka lagu magacaabo Vicente del Bosque.