Vidal Oo Ka Hadlay Inuu Timaha Iska Jari Doono Hadii Uu Barca Kula Guuleysto UCL Xagaagan

Arturo Vidal ayaa wacad ku maray inaanu marnaba jari doonin timahiisa, inta uu ka fadhiisanayo kubada cagta, markii la waydiiyay inuu nadar ku geli karo.

Xidiga khadka dhexe uga dheela Barcelona ayaa si cad wuxuu ushaaciyay inuu leeyahay riyo ah inuu ku guuleysto koobka Champions League.

Balse, xidigii hore ee kooxda Bayern Munich ayaa gabi ahaanba meesha ka saarey, isaga oo si cad u sheegay inay kala yihiin qaab nolaleedkiisa iyo hamigiisa wax kala duwan.

“Waa wax iska cad inaan doonayo qaadista Champions League….Barcelona waa meesha ugu wanaagsan oo aan ku sameyn karno,” ayuu Arturo Vidal usheegay saxaafadda.

“Marnaba ma jari doono timaheyga…Sababta oo ah waa wax kala duwan….Marka aan kubada cagta ka fadhiisto ayaan isbedal ku sameyn doonaa,” ayuu xusay.

“Kulamada waawayn ayaa noo harsan…Waxaana isku tax-luujin doonaa inaan wax ka bedalno muuqaal ciyaareedkeena si aan u guuleysano,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Arturo Vidal.