Virgil Van Dijk Oo Guul Ku Hogaamiyay Liverpool – Reds oo sii dheereysatay hogaanka horyaalka

Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Brighton iyaga oo sii wata guulaha premier League halka ay wali sii wado rikoorkeeda guuldaro la,aanta ah

Reds ayaa kaadhak cas looga taagay Goolhaye Alisson daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kadib markii uu gacanta ku taabtay kubada isaga oo ka baxsan dilinta ganaaxa

Liverpool ayaa guushan uga mahad celinaysa daafaca Virgil Van Dijk kaas oo dhaliyay 2 gool sidoo kale soo bandhigay qaab cayaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 18-aad ayuu Virgil Van Dijk DHaliyay goolka 1-aad isaga oo madax u badalay kubad uu ka helay daafaca Trent Alexander-Arnold isaga oo cayaarta ka dhigay 1-0

Image result for liverpool 2-1 Brighton

Isla Daafaca Virgil Van Dijk ayaa daqiiqadii 24-aad soo laabtay kooxdiisana u dhaliyay goolka 2-aad ee cayaarta isaga oo caawin ka helay mar kale Trent Alexander-Arnold

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo Liverpool si qurux badan u ciyaartay laba gool-na dhaliyay.

Qaybtii dambe ayayna cayaartu waxba iska badalin ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay iyada oo Liverpool la tacaashay si ay guusha ula baxdo qaybtii dambe.

Daqiiqadii 76-aad ayaa kaadhka cas loo taagay Goolhaye Alisson kadib markii uu gacanta ku taabtay kubada isaga oo ka baxsan dilinta ganaaxa

Image result for liverpool 2-1 Brighton

Isla daqiqiadii 79-aad ayaa Liverpool laga dhaliyay laad xor ah oo la yaab leh oo la dhaliyay goolhayaha Liverpool oo sii jeeda iyaga oo uu Brighton goolka u dhaliyay xiddiga Lewis Dunk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1

Ugu dambayn Liverpool ayaa guul 2-1ah ka gaartay ciyaarta iyaga oo sii waday rikoodhkooda guulaha ee premier League xilli ciyaareedkan

 

 

Image result for liverpool 2-1 Brighton

 

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com