Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Halista Liverpool Uga Imaan Karta Neymar Iyo Mbappe Kulanka ULC

Paris Saint-Germain iyo Liverpool ayaa gorada waxay isku deri doonan kulan ciyaareed ka tirsan tartanka Champions League, kaasi oo qabsoomaya habeenka Arbacadda ah ee todobaadkan.

Kahor kulankaan, daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa qiray in kooxda reer France ay ku hubeysan tahay saanad aan ahayn Neymar iyo Kylian Mbappe, islamarkaana looga baahan yahay inay dufeesyada xoojistaan.

Wiilkaan udhashay wadanka Holland ayaa kalsooni xoogan ka muujiyay in kooxdiisa ay dhibcaha hesho kulankaan, kaasi oo muhiim u ah mustaqbalkooda tartanka xiisaha badan ee Dhagawayne.

“Iyaga waxay haystaan ciyaaryahano kale oo halis ah, oo sameyn kara isbedal, marka laga soo tago Neymar iyo Kylian Mbappe,” ayuu yiri.

“Inaga waxaanu dooneynaa inaan kusoo guuleysano Paris…Waxaana usoconaa inaan dheelno kulan aad cajiib u ah.

“Dhamaan ciyaartoyda waxay yihiin kuwa doonaya inay kooxda caawiyaan..Waa kulan kamid ah kuwa ugu maqaamka sareeya Yurub,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk.