Waa kuma laacibkii ugu horeeyay ee Neymar uu u sheegay inuu ka tagayo PSG?

Neymar ayaa go’aan ku gaaray inuu isaga tago kooxdiisa haatan ee PSG oo uu ku biiray suuqii xaggaaga markaas oo uu ka dhaqaaqay Barcelona

Xiddiga reer Brazil ayaa fahmi waayay nolosha magaalada Paris marka lala barbardhigo tii uu ku haystay dalka Spain 4-tii sano ee uu ku qaatay halkaas

Shabakada Don Balon ee dalka Spain ayaa daaha ka qaaday in Lionel Messi uu ahaa laacibkii ugu horeeyay ee Neymar uu ku wargaliyay inuu ka tagayo PSG

Xiriir aad u wanaagsan ayaa ka dhexeeya labada laacib, inkasta oo Neymar uu si xun uga tagay Barcelona, saaxiibkiis Messi ayuuna u sheegay inuusan la dhacsanayn Paris oo uu qorshaynayo inuu ka tago

Could Messi and Neymar be reunited this summer? Image: PA Images

Neymar ayaa ka tagay Barcelona si uu uga baxo hooska Lionel Messi, balse xiddiga reer Argentina kama xumaan in saaxiibkiis uu ka shaqeeyo hormarkiisa

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com