Waa kuma xiddiga badali rabo Manchester United

Javier Ribalta waa Spanish 43 sano jir ah kuna hadlo 5 luuqadood [Talyaani, Spanish, Portuguese, English iyo Catalan]. Wuxuu si dhaw ula shaqeeyaa Jose Mourinho asiga oo ka hooseeyo Michel Bout iyo madaxa Indho Indheenta Manchester United Jim Lowler [chef scout].

Ribalta ayaa United ku soo biiray xilli ciyaareedkii hore biloowgiisa asiga oo ka imaaday Kooxda Juventus oo uu u qabtay shaqo aan la iloowi karin maadama uu dhisay Koox iskugu jirtay da’a yar mustaqbalka fog ah iyo duqoow hal ama labo sano wax weyn badala sida Evra iyo Alves oo saameeyn sare yeeshay.

Waa ninka Juventus u soo iibiye ama keenay xiddigaha Paul Pogba [free], Dybala [£30m], Pjanic [£25m], Sami Khedira[ Free], Alex Sandro, Leonardo Bonucci, Barzagli oo lacago yar ku keenay.

Ninkaan ayaa hada bilooway shaqadaas asiga oo Diogo Dalot iyo Fred ku keenay kaliyah £66M oo gini waliba suuqaan aan ognahay. Kadib David Gill waa ninka aan rajeeyneeno inuu wax badan ka badalaya suuqa.

Image may contain: 2 people, beard, closeup and outdoor