Waa Kuma Xidig Ka Dheela Premier League Ee Laga Mamnuucay Muddo 20 Bil Ah Inuu Gaari Kaxeeyo?

Goolhayaha Tottenham, xidiga lagu magacaabo Hugo lLoris ayaa maxkamad ku taala magaaladda London ee wadanka Ingiriiska ay ku xukuntay Arbacadii inaanu wadin karin wax gaari ah muddo 20 bilood ah.

Hugo lLoris ayaa sidoo kale waxaa lagu riday ganaax lacageed oo dhan 60 milyan oo Yuuroo, taasoo qayb kamid ah wararku sheegayaan inay ka bixineyso kooxdiisa.

Xukunkaan lagu riday laacibkaan ku guuleystay Koobka Aduunka 2018 ayaa yimid kadib markii la qabtay horaantii bishaan isaga oo cabsan xili uu gaari waday.

Booliska ayaa saacado xiray xidigaan reer France, laakiin goor dambe ayaa lasii daayey, taasoo keentay inuu kasoo dahao tababar ay sameynaysa kooxdiisa.

Goolhaye Hugo lLoris oo wax laga waydiiyey kiiskiisa ayaa wuxuu carabka ku dhuftay inay xaqiiqo tahay waxa laga sheegayo, isaga oo tibaaxay inuu ka xun yahay.

Sikastaba, wiilkaan ayaa wuxuu ku biirayaa liiska ciyaartoyda Premier League soo martay, kuwaasoo maxkamad loosoo taagey kiis ku saabsan inay gaari kaxeeyeen iyaga oo cabsan.