Waa Sidee Xaalada Dhaawac Ee Goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxda Muqdisho City Club Saciid Yamani?

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Muqdisho City Club iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Saciid Yamani ayaa ka soo kabanaya dhaawacii ka soo gaaray gacanta midig isago shil la galay mooto labo logaaley uu watay laacibkan waxeyna ku dhacday mooto kale oo bajaaj ah.

Xidigan xaladiisa caafimaad ayaa ka soo reeneysa iminka maadama maanta laga furay qaar kamid ah birihii ka saacidayaay kabka gacantiisa midig taas oo ah tan uu dhaawaca ka soo gaaray.

Dhaawac Goolhayahan ugu qaalisan horyaalka Somali Premier League ayaa ku soo beegmay xili aan munaasab aheyn maaalmo kadib markii uu kooxda Muqdisho City Club kusoo caga dhigatay lacago waali ah kooxdiisana ay la balan saneyd naadigii uu kasoo tagay ee Dekkeda koobka Super Cup-ka.

Kadib xiriir aan la sameynay Dhaqtarkii dabeebayay xidigan heerka caalami iyo kooxda Muqdihso City Club ayaa waxaa uu inoo sheegay in hada laga soo saaray kaliya 3- birood waxaana wali gacantiisa midig ku jira qeybo kamid ah birihii ka qeyb qaadanayay kabniinka gacantiisa.

Si kastaba ha ahaatee dhaawaca gacanta ah ee uu qabo goolhayahan ayaa qaadan doona mudo bil iyo bar ah waxana hada hor mar badan laga sameyay la tacaalida dhaawaciisa halista ahaa.

W/Q:Cabdifitaax nani