“Waan soo dhawaynayaa in Neymar uu dib ugu soo laabto Barcelona”

Ivan Rakitic ayaa ka hadlay suurtagalnimada xiddiga Paris Saint-Germain Neymar ugu laabanayo kooxda Barcelona, kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen Malaga

Xiddiga Barcelona Ivan Rakitic ayaa sheegay inuu si dhaqso ah albaabka naadiga Barcelona ugu furi doono saaxiibkiisa Neymar haddii uu doonayo inuu kusoo laabto Camp Nou

Neymar ayaa ka tagay kooxda La Liga hogaamineysa ee Barcelona, isagoo ku biiray Paris Saint-Germain oo bixisay lacag dhan € 222million bishii August ee sannadkii hore

26 jirkaan weerarka ka cayaara ayaa kasoo kabsanaya hadda dhaawac uu kaga maqan yahay kooxda ka dhisan France, waxaana Neymar hore uu u muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn Paris

Wargeyska Spain kasoo baxa ee Sports ayaa shaaca ka qaaday in Neymar la xiriiray maamaulka Barcelona isagoo kala hadlay suurtagalnimada dib uu ugu laabanyo Camp Nou

Laakiin Tababare Ernesto Valverde ayaa diiday jiritaanka sheekooyinkaas, inkastoo Rakitic uu wax walba suurtagal ka dhigayo in ay dhacaan xili cayaareedka dambe

“Waxba iima sheegin, laakiin haddii uu kusoo laabanayo halkaan albaabka ayaan u furayaa” ayuu Rakitic u sheegay suxufiyiinta ka dib kulankii kooxdiisa 2-0 kaga badiyeen Malaga.

“Kaliya ma ahan xiriir inaan la leeyahay isaga, laakiin waa nooca cayaaryahanka ee kooxda oo dhan u baahan tahay

“Waxaan mar walba kusoo dhaweynayaa halkaan saxiibkeyga Neymar oo aan wax badan wada cayaarnay” ayuu hadalkiisa ku daray Neymar

Neymar, oo dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii PSG ay 3-0 kaga badiyeen Marseille bishii hore, waxa uu dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan xilli cayaareedkan

ayaa ka hadlay suurtagalnimada xiddiga Paris Saint-Germain Neymar ugu laabanayo kooxda Barcelona, kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen Malaga

Xiddiga Barcelona Ivan Rakitic ayaa sheegay inuu si dhaqso ah albaabka naadiga Barcelona ugu furi doono saaxiibkiisa Neymar haddii uu doonayo inuu kusoo laabto Camp Nou

Image result for Ivan Rakitic and  Neymar

Neymar ayaa ka tagay kooxda La Liga hogaamineysa ee Barcelona, isagoo ku biiray Paris Saint-Germain oo bixisay lacag dhan € 222million bishii August ee sannadkii hore

26 jirkaan weerarka ka cayaara ayaa kasoo kabsanaya hadda dhaawac uu kaga maqan yahay kooxda ka dhisan France, waxaana Neymar hore uu u muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn Paris

Wargeyska Spain kasoo baxa ee Sports ayaa shaaca ka qaaday in Neymar la xiriiray maamaulka Barcelona isagoo kala hadlay suurtagalnimada dib uu ugu laabanyo Camp Nou

Laakiin Tababare Ernesto Valverde ayaa diiday jiritaanka sheekooyinkaas, inkastoo Rakitic uu wax walba suurtagal ka dhigayo in ay dhacaan xili cayaareedka dambe

“Waxba iima sheegin, laakiin haddii uu kusoo laabanayo halkaan albaabka ayaan u furayaa” ayuu Rakitic u sheegay suxufiyiinta ka dib kulankii kooxdiisa 2-0 kaga badiyeen Malaga.

“Kaliya ma ahan xiriir inaan la leeyahay isaga, laakiin waa nooca cayaaryahanka ee kooxda oo dhan u baahan tahay

“Waxaan mar walba kusoo dhaweynayaa halkaan saxiibkeyga Neymar oo aan wax badan wada cayaarnay” ayuu hadalkiisa ku daray Neymar

Neymar, oo dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii PSG ay 3-0 kaga badiyeen Marseille bishii hore, waxa uu dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan xilli cayaareedkan

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com