Wafdi ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo gaaray qaar ka mid ah Gobollada dalka

Wafdi ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo maanta gaaray qaar ka mid ah Gobollada dalka 

Wafdi ka socoday Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa kormeer ku tagay qeyba kamid ah Gobolada Dalka si ay ugu kuur galaan xalaada kubada cagta ee ka jira deeganadaas.

Wafdiga ayaa ka koobnaa labo xubin oo qeyb ka ah Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed kuwaas oo kala ah Maxamed Cali Jabane oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Jamaal Xaashi Tuure oo ah Xubin Gudiga Hormarinta kubadda cagta Gobolada ee Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Kaaliyaha Xoghayaha Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Maxamed Cali Jabane ayaa booqday Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada dhexe si uu ugu kuur galo xaaladda ciyaareed ee magaaladaasi iyadoo lagu wado inuu kulamo la qaato xiriirka kubada cagta ee Jubaland.

Dhinaca kale Jamaal Xaashi Tuure oo ah Xubin Gudiga Hormarinta kubada cagta Gobolada ee Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa socdaal ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkoos uu isaguna kulamo kula qaadan doono xiriirka kubadda cagta Koonfur Galbeed.

Wafdigan oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sii sagootiyey hadallo dardaaran ahna siiyey kusimaha guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ahna Ku gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Soomaaliyed Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa sababta uu wafdigan ugu kala diray gobollada dalka waxaa lagu sheegay inuu doonayo inuu halkaasi ku qabto tababaro sare loogu qaadayo tayada isboori ee halkaasi ka jirta iyo sidii tartammo kubadda cagta ah loogu qaban lahaa magaalooyinkaas, waxaana suurogal in tartammada uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta qaarlood lagu ciyaaro gobollada dalka. Arrintan ayaa waxa ay qeyb ka tahay ballan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ee C/qani Siciid carab markii la doortay 15 bishii Nov ee sanadkii hore 2018, iyadoo arrintan ay noqonayso middii ugu horreysay ballanqaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha XKCS.