Wakhtiga Uu Doonayo In Uu Neymar Ku Biiro Kooxda Real Madrid Oo La Ogaaday

Neymar ayaa lacagihii ugu badnaa ebid kubbada cagta ugu soo dhaqaaqay PSG suuqii xagaaga balse durba waxaa iminka si wayn lala xiriirinayaa inuu ka soo dhaqaajin doono kooxda reer France kaddib markii laga soo reebay Champions League

Sida uu sheegayo warsida SPORT, Neymar ayaa doonaya inuu ku biiro Real Madrid isagoona u sheegay aabihii oo ah wakiilkiisa inuu soo dhameeyo heshiiska ka hor koobka adduunka haddii kale uu la sii joogi doono PSG

Wiilka reer Brazil ee baryahaan ku maqan dhaawac ayaa lagu wadaa inuu xulkiisa ku hogaamiyo koobka adduunka ee lagu qabanayo Ruushka 14-ka June

Neymar aabihii ayaa sida la warinayo la kulmay maamulka Real Madrid iyadoo lagu wado inay ku qaataan laacibkii hore ee Barcelona adduun dhan 355 milyan oo bound

Wargeyska AS ee ka soo baxa Spain ayaa isna warinaya in shirkadda Nike ay heshiiskan ka caawin karo dhanka dhaqaalaha iyadoo ay jirto in Real Madrid ay xayaysiiso Adidas

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com