Waqtigii Ay Barca Soo Bandhigi Lahayd Saxiixeeda Cusub Ee Arthur Oo Dib U Dhac Yimid [Akhri Sababta]

Saxiixa cusub ee Barcelona Arthur, kaasoo lagu waday inuu isbuuca soo aadan bilowgiisa lagu soo bandhigo Camp Nou, ayaa dib udhac uu ku yimid, sida laga soo xigtay illo xog ogaal ah.

Sababta ayaa waxaa lagu macneeyay inay tahay muskhilad ka taagan dhanka waraaqadaha kala wareega.

Wiilkaan udhashay wadanka Brazil ee lagu magacaab Arthur Melo ayaa lagu wada inuu kasoo dego Spain Axada Berri ah, si maalinta xigta loogu soo bandhigo Qalcadda Camp Nou.

Sikastaba, daqiiqadihii ugu dambeeyay ay wax isbedalayn, iyadoona la filayo in maalmo ay qaadato xalinta dhibaatooyinka jira.

Arthur ayaa wuxuu ahdda ku sugan yahay dalka Brazil, halkaasoo uu ku qaadanayo fasaxa, isagona la jooga qoyskiisa.

Si walba oo ay ahaato, ciyaaryahankaan ayaa wuxuu mar sii horeysay mac-salaameeyay kooxda Gremio, oo uu kasoo dhaqaaqay, isagoona Jimcadii lasoo dhaafay ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku sagootiyay.