WAR CUSUB: PSG Oo Dalab Cajiib Ah U Gudbisay UEFA Ka Hor Kulanka Real Ee Lugta 2aad Ee UCL

Paris Saint-Germain, ayaa ka hor kulanka Real Madrid, ee lugta labaad ee tartanka Champions League, waxay ka codsatay Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA in laga bedalo Garsoorihii lugtii koowaad, sida uu sheegay Antero Henrique.

Antero Henrique, oo ah Agaasimaha cayaaraha ee kooxda kubada cagta PSG, ayaa wuxuu sheegayaa in wax badan ay ka barteen qaladaadka uu sameeyay Garoorihii hayay lugtii koowaad aysana dooneyn inuu usoo laabto.

Agaasimaha oo la hadlay Wargeyska L’Equipe, oo ah midka ugu dheer dalka Faransiiska ayaa wuxuu diiday inuu faah-faahiyo dalabkooda, wuxuuna taasi bedalkeeda xooga saaray ka hadlay waxyaabo kale.

Tani ayaa waxay ka dhigeysaa sheekada mid aad uculus, iyadoona ciyaarta ay dhaceyso maalinta Talaada ah ee Isbuucaan, waxaana kooxda reer France ka maqan ciyaaryahankeeda muhiimka ah ee Neymar.

Image result for Antero Henrique

Neymar, ayaa kulankaan wuxuu ku seegayaa qaliin dhanka Qancowga ah, kaasoo lagu sameeyay kadib markii uu dhaawac soo gaaray, wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa wax ka badan Saddex bilood.

“Kulankii koowaad uma uusan dhaxeyn kulanka labada koox ciyaartoydooda, waxaana jirta saameyn ka timid banaanka, mana rabo inaan cid gaar ah farta ku fiiqo, waxaa kulanka Garooraya 44-sano aan wax khibrad ah lahayn,” ayuu yiri.

“Hadii ay xaaladu sidaas tahay, marka waxaan dooneynaa inaan hada helno Garoosre kale, oo gaar ah, kaasoo aan ahayn kan hada,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Agaasimaha PSG, ninka lagu magacaabo Antero Henrique.

PSG iyo Real Madrid, ayaa ku kala baxay lugtii hore 3-1, taasoo ay kusoo adkaatay Real Madrid, waxaana kooxda reer France looga baahan yahay inay dhaliso goolal badan ayna shabaqeeda ilaashato si ay ugu soo baxdo wareega 8-da.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com