WAR CUSUB: Xidig Caan Ah Oo Qirtay In Marka Uu Arko Messi Oo Dheelaya Uu Aad Uga Maseero [Waa Kee]

Xidiga haatan udheela Bayern Munich ee dalka Jarmalka, Thiago Alcantara ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in marka uu arko Lionel Messi, oo garoon jira misana uu dheelayo uu shaqsi ahaantiisa uu ka maseero arrinkaas.

Arrintaan ayuu sheegay laacibkaan dalka Spain udhashay kadib markii wax laga weydiiyay qaab ciyaareedka kooxda Manchester City, taasoo bandhig wacan ku jirta wuxuuna Alcantara ku tilmaamay mid layaab leh

Kooxda reer England ee Man City ayaa waxay hada ku hogaamineysaa horyaalka Premier League 16 dhibcood oo nadiif ah, waxaana Sky Blues ay guud ahaan shaqeystay kulamadii ay dheeshay 78 buundo.

Hogaamiyaha City ee Pep Guardiola iyo Thiago Alcantara, ayaa waxay kasoo wada shaqeeyeen Bayer iyo Barcelona, waxayna isla soo qaateen waayo qurux badan, iyagoona kusoo wada guuleystay koobab badan.

“Man City waxay udheeleysaa si layaab leh, laakiin uma arko inay tahay mid aan ka maseerayo,” ayuu Thiago Alcantara, ku sheegay wareysi xasaasi ah, kaasoo uu siiyay Majalada ESPN, ee kasoo baxda dalka Spain.

“Laakiin, kaliya waxaan ka maseerayaa marka u dheelayo Lionel Messi, kaasoo inaga igu qasbaya midaas,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sikastaba, Lionel Messi, ayaa wuxuu hada dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan fasal ciyaareedkan 48 gool, isagoona kamid ah ciyaartoyda utartameysa ku guuleysiga Kabta dahabka ee shanta horyaal ee qaarada Yurub ugu waa weyn.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com