WAR CULUS: Xidig Caan Ah Oo Shaaciyay In Real Uu Ka Joogi Waayay Marcelo & Sababta Oo La Ogaaday

Fabio Coentrao, ciyaaryahankii hore ee dalabka bidix ee daafaca uga cayaari jiray Real Madrid, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Marcelo uu yahay laacibkii isaga shaqsi ahaan ku ciriiray inuu boos joogta ah uu ka helo Los Blancos.

Coentrao, oo udhashay dalka Portugal, ayaa wuxuu ahaa mid inta badan Kursiga keydka kasoo muuqan jiray, taasoo ugu dambeyntii keentay inuu ka caroodo uuna udhaqaaqo dhanka horyaalka dalkiisa, gaara ahaan Sportind Lisbon.

Laacibkaan oo wareysi xasaasi ah siinayay Majalada Marca, ee wadanka Spain, ayaa wuxuu si cad usheegay in uusan hada qorsheeneen kusoo laabashada Madrid, uuna inta ka dhiman xirfadiisa uu baaqi kusii ahaandoon Lisbon.

“Ma doonayo inaan halkaan ka tago sababtoo ah, maxaa yeelay waxaan ka helayaa wax walba oo aan aniga ku noqon karo mid faraxsan,” ayuu Fabio Coentrao, usheegay wargeyska ugu afka dheer gudaha dalka Spain.

“Inaan noqdo dookha koowaad ee Madrid, markii aan la joogay waa ay adkeed, maxaa yeelay Marcelo, wuxuu ahaa mid inta badan ay kooxda isaga xishmeyn jirtay,” ayuu hadalkiisa kusii daray laacibkaan reer Portugal.

“Laakiin, waxaan uhayaa amaan kooban oo ah inay isiiyeen wax badan mudadii aan kooxda la joogo, oo ahayd Todobo sano,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Fabio Coentrao, kaasoo ahaa daafac dambeedka bidix xariif ku ahaa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com