Warar Hordhac ah Oo Saaka Ka Soo Baxaya Xaalada Dhaawac Ee Lionel Messi

Jamaahiirta laacibiinta iyo waliba madaxda  kooxda Barcelona ayaa ka dhoor sugaye  war kasta oo ka soo baxa xaalada dhaawaca ee xiddiga  Barcelo ugu muhiimsan ee Lionel Messi.

Wargayska AS ayaa war  aan la filayn  soo saaray kooxda Barcelona oo ku saabsan xaalada Lionel Messi kadib markii soo xaadirin tababarka  maanta

Xiddiga xulka  Argentine ayaa saacadaha soo socda mari doona baaritaan buuxa si loo ogaado xaalada xiddiga xulka  Argentine.

Image result for Lionel Messi injury

Sidoo kale wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga xulka Argentine wali dareemay xanuunkii uu dareemay markii uu dhaawaca soo gaaray Xiddiga oo uu dhaawac ka soo gaadhay bawdada lugta midig ayaa la filayaa in ay madaxda caafimaadka kooxda Barcelona ogaadaan suurtagalnimada uu xiddigu Arbacada ku ciyaari karo kulanka Real.Madrid

Wargayska ayaa intaas sii raacinaya in ayna xaalada ku hareeraysan kooxdu ahayn mid fiican iyada oo si weyn loo filayo in uu Lionel Messi ka maqnaado kulanka Arbacada.

Macalin Valverde ayaa dhankiisa wali sugaya go’aanka kama dambaysta ah ee xaalada xiddiga 24 saac ee soo socota si uu u dagsado qorshe uu ka maqan yahay kabtankiisa.

Image result for Lionel Messi injury

Image result for Lionel Messi injury