Wararka ugu dambeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoy

Horyaalada Yurub ayaa dhamaan la soo wada gaba gabayn doonaa iyada oo haddaba la soo xiray horyaalka Premier league oo kulamadiisii ugu dambeyay la ciyaaray.

Ciyaartoy badan ayaa haddaba la ogyahay in ay qayb ka yihiin suua kala iibsiga ee xagaaga halka kuwo kale ay si xor ah ugu biiri karaan kooxaha ay doonayaan.

Aaron Ramsey, Ander Herrera iyo Antonio Valencia ayaa ka mid ah ciyaartoyga ugu magaca wayn haddaba ay hubaasha tahay in ay ka mid noqon doonaan liiska dheer ee ciyaartoyda baxaya xagaagan.

Haddaba halkan ayaa idiinku soo ururisay xogta 25 ka ciyaartoy ee suuqa kala iibsiga xagaagan gilgili doona ee ay kooxaha Yurub la kala wareegi karaan halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Tanguy Ndombele waxa uu haddaba ku jiraa liiska ciyaartoyda ay kooxaha waa wayn ee Yurub doonayaan waxanaa la filayaa in uu ka mid noqon doono xidigaha xagaaga lacagaha badan lagu dul furi doono.

Adrien Rabiot-PSG

Shaki la’aan Adrien Rabiot waxa uu ku biiri doonaa mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu waa wayn kadib markii uu xili ciyaareedkan dhamaadka ah ku soo qaatay qaab xabsi ah oo uu PSG dhibaato wayn ugula soo kulmay.

Adrien Rabiot waxa uu dhawaan noqon doonaa ciyaartoy xor ah oo ku biiri kara kooxda uu doonayo waxaana jira kooxo aad u badan oo doonaya in ay bilaashnimadiisa ka faa’iidaystaan.

Barcelona, Real Madrid, Man United, Liverpool, Juventus iyo waliba kooxo kale oo Yurub ah ayaa doonaya in ay si xor ah kula soo wareegaan Adrien Rabiot.

PSG ayaa luminaysa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu tayada fiicnaa khadka dhexe ee kooxdeeda kadib markii ay xili hore oo sanadkii la soo dhaafhay ee 2018 ahayd uu khilaaf wayni soo kala dhex galay.

Laakiin kooxda ku guuulaysata saxiixa Adrien Rabiot ayaan bixin doonin wax lacag ah waxayna haddaba kooxaha Yurub u kala dheeraynayaan sababihii ay xidiga reer France ku soo jiidan lahaayeen.

Malcom

Barcelona ayaa kadib guuldaradii Champions League ee Liverpool ka soo gaadhay waxay doonaysaa in ay isbadal wayn ku samayso kooxdeeda waxaana jiri doona ciyaartoy badan oo Camp Nou laga diri doono.

Xidiga reer Brazil ee Malcom ayaan waqti fiican ku qaadan Barcelona isaga oo aan helin fursad badan oo uu tayadiisa ku soo bandhigi karo waxayna wararku sheegayaan in uu ka mid yahay ciyaartoyda isbadalka Camp Nou ka mid noqon doona.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa hore u ahaa kooxaha xiisaynayay Malcom laakiin hadda kooxda Lille ee horyaalka France oo iyada lafteedu halis ugu jirta in ay lumiso Pepe ayaa doonaysa saxiixa Malcom.

Kalidou Koulibaly

Kooxo badan oo waa wayn oo Yurub ka tirsan ayaa ku dagaalamaya saxiixa difaaca dhexe ee kooxda Napoli kaas oo ay ilaa hadda Man United tahay kooxda ugu dhaw ee suuqa kala iibsiga u jabin karta.

Napoli ayaa Kalidou Koulibaly ku qiimaynaysa 150 milyan yuro wuxuuna difaaca aduunka ugu qaalisan ka badali karaa Van Dijk oo hore Liverpool suuqa difaacyada aduunka ugu jabisay.

Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa Kalidou Koulibaly lakaiin wargayska Daily Mirror ayaa shaaciyay in Man United ay bartilmaameedka kowaad ka dhigteen saxiixa Kalidou Koulibaly.

Kalidou Koulibaly ayaa loo arkaa in uu ka mid noqon doono ciyaartoyda gilgili doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaaga oo dhawaan furmi doona.

Haddii ay Man United ku guulaysato saxiixa Kalidou Koulibaly waxa uu u gali karaa halkii uu Van Dijk u galay Liverpool ee uu xaaladii kooxdeeda badalay.

Tanguy Ndombele

Tanguy Ndombele ayaa ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay Yurub ee xagaagan dagaalka wayni ku dhex mari doono kooxaha waa wayn ee Yurub.

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ayaa bandhig wayn soo sameeyay xili ciyaareedkan dhamaadka ah wuxuuna soo jiitay kooxaha Yurub oo ay ka mid yihin Liverpool, Man United, Real Madrid, Tottenham iyo Man City.