Wararka Ugu Waa weyn ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta

Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid ayaa diyaarineysa Qorshe kama Dambees ah kasoo ay ku doonayaan Soo qaadashada Eden Hazard oo Chelsea ka Tirsan, Dhowr jeer ayay Real Madrid isku dayde fashilmay ku sameesay inay soo qaataan Hazard balse Chelsea ayaa ku faro adeegtay inay ceshtaan Xidigooda
Bishaan waxay xooga saareen sidii ay ku heli lahaayeen Ereksen Kasoo ay haatan ku soo fashilmen in ay soo qaataan, Real Madrid ayaa Xaalad liidata ku jirta tan Iyo Markii uu Kooxda Ka Tagay Ronaldo oo ahaa Hogaamiyaha Real Madrid.

Xiddiga kooxda Real Madrid Isco Ayaa Shaaca ka qaaday in uu doonaayo in uu go’aan kama dambees ah ka gaaro mustaqbalkiisa ka hor suuqa xagaaga oo uu doonayo in uu baxo xidigan waxa uu sheegay in uu la kulmi doono madax weynaha kooxda Real Madrid Perez oo uu kala hadli doono mustaqbalkiisa iyo sida uu ka yahay dhanka maamulka Isco ayaa xiiso badan ka heysata kooxaha kala ah Bayar Munich, Man City Iyo Juventus.

Kooxda Ac Milan Ayaa Diyaar u ah in u dhaqaaqaan soo qaadashada xidiga qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Watford ee Gerard Deulofeu oo ay doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan garoonka San Siro.

Milan Ayaa Hore U Soo Tijaabisay Awooda xidigaan waxayna haatan diyaar u yihiin ka hor xeramashada Suuqa ee habeenka Khamiista in ay dhameeyaan Saxiixaan.