Wararkii ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibisga.

Xiddiga Qadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Phillippe Coutinho ayaa go,aansaday in uu iska joogo kooxda Barcelona in kasta oo uu xiiso ka helayo kooxda Man United (Mundo Deportivo).

Xiddiga da,yarka ah ee garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u ogolaadaan in uu ku biiro Bayern Munich todobaadkan (Mail).

Kooxda Man City ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Napoli iyo xulka Brail ee Allan (Tuttomercato).

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystiri doona saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Denis Suarez iyada oo ku heli doonta heshiis amaah ah oo ay si toos ah ula wareegi doonto xagaaga (Mundo Deportivo).

Kooxda Man United ayaa ka fiirsanysa in ay tababare ka dhigato tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate xilli ay sii wadaan raadinta badalka Jose Mourinho (Telegraph).

Kooxda Tottenham ayaa Real Madrid iyo Barcelona u sheegtay in ay miiska saaraan lacag dhan 310 milyan oo euro hadii ay doonayaan Harry Kane (Sun).

Kabtanka kooxda Man United ee Antonio Valencia ayaa ka tagi doona kooxda Man United marka uu dhoco heshiiskiisu dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo Inter Milan ku dhaw saxiixiisa (Mirror).

Ac Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Marouane Fellaini (Mail).

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo la furtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot kaas oo sidoo kale bartilmaameed weyn u ah Barcelona (L’Equipe).

Kooxda Juventus ayaa diiday dalab isku badalasho ah oo ay Chelsea u soo bandhigtay kuna doonaysay in ay isku badashaan xiddigaha Alvaro Morata iyo Gonzalo Higuain (Calciomercato).