Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Xiddiga weerarka uga ciyaara Chelsea ee Eden Hazard ayaa mar kale shaaca ka qaaday rabitaankiisa ku aadan kooxda Real Madrid laakiin sheegay in uuna meelna uga socon Blueska (Sky Sport).

Kooxda Barcelona ayaa bartilmaameedsanaysa xiddiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda Sassuolo ee Stefano Sensi kaas oo heshiiskiisu dhici doono 2020 (Express).

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay James Rodriguez Ka iibiso Kooxda Tottenham si ay iyaguna u hesho xiddiga Christian Eriksen (Star).

Arsenal ayaa go’aansatay in ayna u dhaqaaqi doonin daafac midig oo cusub inkasta oo ay Hector Bellerin waayi doonto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan (Star).

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Denis Suarez kadib Markii ay Barcelona heshay saxiixa Kevin Prince-Boateng (Star).

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa diyaar u ah in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub oo wakhti dheer ah (Sun).

Weeraryahanka kooxda Man United ee Anthony Martial, ayaa si aad ah ugu sii dhawaanaya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United (ESPN).

Madaxda  kooxda Arsenal ayaa ka wada hadalay suurtagalnimada ay heshiis amaah ah ugu soo qaadan karaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Baywern Munich ee James Rodriguez (Independent).

Xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa sheegay in uuna ku biiri doonin Man United xitaa hadii uu tababare Zinedine Zidane tababare u noqdo (Star).

Kooxda Bayern Munich ayaa si aad ah u doonaysa in ay heshiis 10 milyan oo euro ah kula wareegto xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Rabbi Matondo (Sun).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay magacawdo agaasime ciyaareed ka hor inta ayna xagaaga tababare cusub u magacaabin kooxda (Independent).

Weeraryahanka kooxda Chelsea Alvaro Morata ayaa ku dhaw in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda Atletico Madrid ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin xagaaga (Sky Sport).

Kooxda Man City ayaa gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ajax ee Frenkie de Jon (Metro).

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa in ay noqoto kooxdii ugu horaysay adduunka ee faa,iido u hesha lacag ka badan 100 milyan oo euro (Telegraph).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa iska diiday in uu u dhaqaaqo kooxda Juventus isaga oo u dagaalami doona booskiisa United (Star).