Wararkii Ugu Dambeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoy

Waxaa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeen kooxdooda
Hadaba halkan ayaa idiin ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreen suuqa maanta.

kooxda Juventus ayaa diyaar u ah in ay Arsenal miiska u saarto xiddiga daafaca uga ciyaara ee Medhi Benatia si ay uga helaan Aaron Ramsey inta lagu jiro bishan (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Barcelona ayaa ka fiirsanaysa in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqdo xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Alvaro Morata inta lagu jiro bishan (Sport ).

Kabtanka kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa iska diiday in uu Thierry Henry kula biiro kooxda Monaco (Le10 Sport).

kooxda Monaco ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda chelsea iyaga oo ka doonaya saxiixa weeraryahanka Michy Batshuayi xilli uu wakiilkiisu haatanba u duulay France (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga Qadka dhexe ee Philippe Coutinho xilli ay Man United xiiso u qabto xiddigii hore ee Liverpool (Calciomercato).

Barcelona ayaa sidoo kale ka fiirsanaysa in ay dalab 2-aad ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian kadib markii laga diiday dalabkii hore (Standard).

Kooxda chelsea ayaa Heshiisyo Afka ah la gaadhay xiddigaha Khadka dhexe ee Nicolo Barella & Leandro Paredes (Telegraph).

Tababaraha kooxda Ac Milan ee Gennaro Gattuso ayaa sheegay in ay jiraan wadadahlo ay ku jiraan xiddiga Gonzalo Higuain si ay si toos ah ula wareegaan (Express).

In ay kooxda chelsea heshiis amaah ah ku hesho xiddiga Higuain inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ayaa ah muhiimadeeda 1-aad (Sun).

Aabaha dhalay Xiddiga garabka uga ciyaara Paris St-Germain ee Neymar ayaa diiday in uu meesha ka saaro wararka sheegaya in uu 26 jirkan doonayo in uu ku laabto Barcelona (Express).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa weeraryahanka reer Israel ee u ciyaara kooxda Red Bull Salzburg ee Moanes Dabour (Estadio Deportivo).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay xagaaga la soo saxiixato xiddiga Paul Pogba iyaga oo diyaar u ah in ay heshiiska ku daraan xiddiga Douglas Costa (Tuttosport).