Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta

Kooxaha qaarada yurub ayaa dagsaday qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay labada xiddig ee Emerson Palmieri & Marcos Alonso u soo bandhigto kooxda Inter Milan si ay u helaan weeraryahanka Lautaro Martinez (Calciomercato).

Chelsea ayaa dhanka kale doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Moussa Dembele (Evening Standard).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Wolves ee Adama Traore (Mail).

Kooxda Barcelona ayaa Liverpool 60 milyan oo kaliya ugu soo bandhigtay saxiixa xiddigeedii hore ee Philippe Coutinho (Mundo Deportivo).

Kooxda Borussia Dortmund ayaan iibin doonin xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Jadon Sancho ka hor tartanka Euro 2020 maadama ay aaminsanyihiin in uu qiimihiisu kor u kici doono (90min).

Kooxda Man United ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Napoli ee Kalidou Koulibaly (Star).

Juventus ayaa daafaca kooxda chelsea ee Emerson Palmieri u calaamadsatay bartilmaameedkeeda ugu muhiimsan xagaaga (Inside Futbol).

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Real Sociedad si ay u helaan weeraryahanka Willian Jose (Marca).

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga Kylian Mbappe kaas uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 25 milayn oo euro sanadkii (L’Equipe).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli si ay ugu xoojiyaan weerarka kooxda (Mirror).

Xiddiga Liverpool ee Adam Lallana ayaa ku dhaw in uu heshiis la gaadho kooxda Arsenal si xor ahna ugu biiro xagaaga (Mail).

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com