Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Xilli Uu Suuqu Maanta Xirmi Doono

Waxa maanta la soo gaaray  maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxaha  yurub  wakhtiga tartan ula gali doonaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen xiddigaha ay doonayaan.

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xiriira cayaaris la,aan si ay raadsadaan koox ay si joogto ah ugu cayaaraan

Hadaba halkan  ayaa idinku soo gudbin doonaa maalin walba wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreen  suuqa kala iibsiga.

Kooxda Real Madrid ayaa 100 Milyan oo euro ku dalban doonta xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford Xagaaga ka hor inta uuna heshiis cusub u saxiixin Man United (Sun).

Kooxda West Ham ayaa isku diyaarinaysa in ay saacadaha soo socda u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Olivier Giroud (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Meust Ozil ayaa iska diiday in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda PSG maanta oo ah maalintii ugu dambaysay suuqa January (Mirror).

Kooxda PSG ayaa saacadaha soo socda dalab ka gudbin doonta xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian si ay ugu buuxiyaan booska uu Neymar ka dhaawacmay (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa iska hadhay xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Christopher Nkunku (Mail).

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa xiddiga Eden Hazard u sheegay in uu isaga tagi karo kooxda xagaaga (Sky Sport).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Danny Drinkwater ayaa bartilmaameed u ah kooxda West Ham oo amaah ku doonaysa maanta (Mail).

Kooxda chelsea ayaa dalab wakhti dambe ah saacadaha soo socda ka gudbin doonta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Watford ee Abdoulaye Doucoure (Mirror).