Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dhaawac Ee Arsenal Ka Hor Kulanka Maanta Ee EPL

Kooxda kubada cagta Arsenal, ayaa waxay wajahaysaa maalinta Axada ah ee Isbuuca dambe dhigeeda Watford, kulan ka tirsan horyaalka Premier League, ee dalka Ingiriiska ayayna la ciyaareysaa.

Ciyaartaan ayaa waxay tahay mid aysan Gunners-ka, heli doonin dhowr ciyaaryahano, kuwaasoo dhibaato dhanka caafimaadka ah, qaba, iyadoona ay kamid yihiin ciyaartoydaas kuwa kooxda muhiim u ah.

Kulanka Arsenal iyo Watford, ayaa wax walba oo ku saabsan, waxaad kala socon doontaa hadii uu ALLE raali ka noqdo Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so, iyadoona aan ku balanqaadi karno midaas.

Xidigaha Arsenal aysan heli karin kulankaan, waxaa kamid ah: Hector Bellerin, kaasoo dhaawac Jilibka ah ku seegay kulankii ay Khamiistii ku garaaceen AC Milan 2-0, Nacho Monreal oo oo isana kulankaas maqnaan.

Waxaa kaloo kamid ah Alexandre Lacazette, oo jilibka ka dhaawacan, halka Sead Kolasinac iyo Calum Chambers, ay iyagana yihiin kuwa dhaawac ku seegay kulankii wadanka Talyaaniga ay kusoo dheeleen maqnaan kara ciyaartan.

Laakiin, warka wanaagsan wuxuu yahay in weerar yahankii ay Janaayo lasoo wareegeen ee Pierre-Emerick Aubameyang, uu ciyaar uyahay ciyaartaan, isagoona ka hortegi kara kooxda sanadkii hore heerka labaad ka timid.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com