Wararkii ugu dambeyay ee suuqa kala iibsiga Cayaartoyada

Kooxaha qaarada Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxaha kala duwan ee qaarada yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furaya xiddigaha ay doonayaan in ay helaan xaaga dambe.

Hadaba waxa halkan idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Paris St-Germain ee Neymar ayaa lagu heli karaa lacag dhan 145 milyan oo euro xagaaga dambe (Mundo Deportivo).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee David Luiz ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u ciyaaro kooxda Chelsea (Times).

Qolka Labiska kooxda Real Madrid ayaa isku khilaafsan imaanshaha xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogab sabab la xidhiidha dhaqankiisa haatan ee Man United (Sun).

Kooxaha chelsea iyo Man United ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee James Rodriguez amaahdana uga maqan Real Madrid (Express).

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dalab 30 milyan ah ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian (Sun).

Kooxda Man City ayaa wadahadalo la qaadata waalidka da,yarka kooxda Benfica ee joao Felix kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxo waaweyn oo reer yurub ah (Record).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid inkasta oo ayna kooxda ku ciyaarta Old Trafford doonayn in ay iibiso xiddiga xilli dalab 160 milyan ah uu badali doono go,aankooda (Mail).

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Luka Jovic weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt (AS).

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa kor u qaaday dadaalkii uu ku doonayay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Moussa Dembele (L’Equipe).

Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furi doonta xiddiga khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek (sun).