Wararkii Ugu Dambeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay wadahadalada si deg-deg ah u soo dhamaystirto si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Divock Origi (Telegraph).

Ander Herrera ayaa sheegay in uu go,aansaday in uu isaga tago kooxda Man United kadib markii ay ku qancin waayeen muhiimadiisa qorshaha kooxda (Telegraph).

Romelu Lukaku ayaa ku rajo weyn in uu ku biiro kooxda Inter Milan todobaadka dambe si uu 20 bisha uga hor tago kooxdiisa haatan (Mirror).

Kooxda Atletico Madrid ayaa ciqaab Anshax xumo ku furtay weeraryahanka Antoine Griezmann kadib markii uu diiday in uu ku soo laabto tababarka inkasta oo la filayo in uu ku biiro Barcelona (Guardian).

Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez si ay lacag 150 Milyan oo euro ah ugu hesho xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Mail).

Kooxda Napoli ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez iyo waliba weeraryahanka Mauro Icardi (Goal.com).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Leroy Sane ayaa mustaqbalkiisa go,aan ka gaadhi doona todobaadka dambe (Mail).

Kooxaha Arsenal, Manchester United & Paris St-Germain ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko (RMC Sport).

Daafaca Bidix ee kooxda Liverpool ee Alberto Moreno ayaa ku dhaw in uu si xor ah ugu biiro kooxda Villarreal (ESPN).

Kooxda Liverpool ayaa toodbaadkan indha-indheeyayaal u dirtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda reer Russia Lokomotiv Moscow Sardar Azmoun (Express).

Kooxda Leicester City ayaa Man United u sheegtay n ay bixiso lacag dhan 90 Milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga Harry Maguire (Express).

Kooxda PSG ayaa xaqiijiyay in uu Neymar isaga tagi karo kooxda PSG Xagaagan laakiin waa hadii uu dalab fiican u yimaado (RMC Sport).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mohamed Elneny ayaa ku dhaw in uu Gunners isaga tago isaga oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Bordeaux (Times).