Wararkii ugu Danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Ka Qoreen Ciyaartoyda

Suuqa January ayaa si rasmi ah u furan, waxaana lagu jiraa maalintii siddeedaad iyagoo hadda haystaan kooxaha fursad  muhiim ah oo ay saxiixyo ku samayn karaan.

Kooxaha Premier League ayaa markale la filayaa inay siiwadaan rikoorkoodi  lacagta suuqa kala iibsiga ee ay  dhigayeen xiliga  ugu danbeeyay. suuqa kal iibsiga bisha janaury 

Haddaba halkan ayaa idiinku soo kud binaya wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoy ee ay maanta ka qoreen wargaysyada Yurub.

Mancheser United ayaa wada xaajoodyo la furtay kooxda Barcelona iyada oo lacag 100 milyan gini ka badan kaga doonaysa Philippe Coutinho. (Caught Offside)

Khabiirka Sky Sports iyo kubbada cagta Spain ee Guillem Balague ayaa ka hadlay wararka Man United la xiriirka  xidiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho. Maxaa ka jira   Wararka  Sheegayay In Man United Ay Wada Xaajood La Yeelatay Philippe Coutinho Khabiirka Kubbada Cagta Spain Ee Guillem Balague Ayaa Ka Jawaabay.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa doonaya in macalinka ku meel gaarka ah ee kooxdooda hadda hogaaminaya ee Ole Gunnar Solskjaer in uu noqdo tababaraha rasmiga ah ee badalka tooska u noqon doona Jose Mourinho oo hore shaqada looga caydhiyay (Mirror)

Heshiiskii uu Cesc Fabregas ugu biiri lahaa kooxda AS Monaco ayaa wali sii jiitamaya iyada oo kooxda reer France aan wali Blues kala heshiin qiimaha uu 31 sano jirkani kaga bixi karo Stamford Bridge (Evening Standard)

Alvaro Morata ayaa heli kara daqiiq uu kaga baxo Stamford Bridge iyada oo kooxda Sevilla wada xaajood la yeelatay maamulka Blues waxayna doonayaan in ay Morata la saxiixdaan bishan January (Goal)

Real Madrid oo daawan doonta kulanka Chelsea iyo Tottenham ee EFL Cupka iyada oo isha ku hayn doonta Christian Eriksen iyo Eden Hazard oo labaduba joojiyeen wada xaajoodyadii heshiis kordhineed ee Tottenham iyo Chelsea.

Diego Godin ayaa suuqii labaad oo xidhiidh ah iska diiday dalab uu ka helay kooxda Manchester United, wuxuuna doortay in uu ku biiro kooxda Inter Milan (Tuttomercatoweb).

Chelsea ayaa xiisaynaysa xidiga khadka dhexe ee kooxda Cagliari ee Nicolo Barella kaas oo lagu qiimaynayo 45 milyan gini laakiin waxay Blues tartan kala kulmaysaa kooxaha Napoli iyo Inter Milan (Goal)

Kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa dalban kara gool dhalyaha Liverpool lala xidhiidhinayay ee Timo Werner oo ka tirsan kooxda RP Leipzig (Bild)

Real Madrid ayaa dalab ku dhaw 100 milya yuro ka gudbinaysa difaacii Man United diirada u saarnaa ee Kalidou Koulibaly oo ka tirsan kooxda Napoli.AKHRISO: Warka Real Madrid Ee Ay Ku Doonayso Saxiixa Kalidou Koulibaly

Real Madrid ayaa bilawday wada xaajoodyada ay kula soo saxiixanayso xidiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham iyo xulka qaranka Denmark ee Christian Eriksen kaas oo ay aaminsan yihiin in 100 milyan gini ay ku heli karaan . (Independent)

Kooxda Atletico Madrid ayaa iska soo diiday dalab ay Man United ka gudbisay difaaca heshiiskuuso dhacayo dhamaadka xili ciyaareed ee Diego Godin kaas oo ay United doonaysay ilaa xagaagii la soo dhaafay balse Inter Milan ayaa tartanka kula jirta (Tutto Mercato Web)

Da’yarka kooxda Liverpool ee Ovie Ejaria oo qaybtii hore ee xili ciyaareedkan ku soo qaatay amaah uu ku joogay kooxda Rangers ayaa markale amaah ugu wareegay kooxda Reading FC ee heerka laabad ee kubbada cagta England.

Kooxda Juventus ayaa Bayern Munich kula soo biirtay tartanka saxiixa xidiga kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi iyada oo Juve doonaysa in ay bishan January la soo wareegto xidigan sida wayn loo qiimeeyo ee Bayern ay labada dalab ka gudbisay (Mirror)

Mancheser United ayaa wada xaajoodyo la furtay kooxda Barcelona iyada oo lacag 100 milyan gini ka badan kaga doonaysa Philippe Coutinho. (Caught Offside)