Wararkii Ugu Dambeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Juventus ayaa udhaqaaqday daafaca dambeedka midig ee kooxda Manchester City Danilo, iyadoo João Cancelo uu u dhaqaaqayo dhanka man City Taasoo Noqon Doonto Mid Kala Badalasho Ah (Source: The Sun).

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay kala xiriirtay Manchester United saxiixa weeraryahanka Marcus Rashford (Source: SPORT).

Daafaca Barcelona Thomas Vermaelen ayaa qarka u saaran inuu xagaaga u dhaqaaqo Olympiakos (Source: AS).

Atlético Madrid ayaa soo bandhigtay dalab 18 milyan oo euros ah oo ay kula soo saxiixaneyso daafaca midig ee Napoli Elseid Hysaj (Source: ESPN).

Xiddiga diirada u saaran Tottenham Ryan Sessegnon ayaa u sheegay Fulham inuusan qandaraaska u cusbooneysiin doonin kooxda, Balse Uu Codsaday in La Fasaxo (Source: Various).

Inter Milan ayaa ku dhow inay 50 milyan oo ginni kula soo saxiixato Nicolò Barella (Source: Calciomercato)

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu Man United usoo Bandhigo Gareth Bale, isagoo qeyb ka ah heshiiska uu kula soo saxiixanayo Paul Labile Pogba, laakiin Bale oo mushahar ahaan u qaata 600 kun ginni isbuucii ayaa laga yaabaa inuu heshiiskaan Diido. (Source: Daily Mirror)

Macalinka Chelsea Maurizio Sarri ayaa saxiixi doona heshiis seddex sanno ah oo uu ku noqon doono tababaraha Juventus Isbuuca soo aadan (Source: Guardian).

Arsenal ayaa soo bandhigtay lacag dhan € 48m si ay ula soo wareegto labada ciyaaryahan ee Sampdoria Joaquim Andersen iyo Dennis Praet (Source: Gazzetta dello Sport).

Antonio Conte ayaa u sheegay Inter Milan inay iibiso Mauro Icardi inkastoo weeraryahanka uu doonayo inuu sii joogo kooxda Talyaaniga (Source: Fabrizio Romano).

W/Q:Nuuradiin Diinaan