Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Cayaartoyda

Waxa halkan idiinku soo kudbinayaaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoy ee ay maanta ka qoreen wargaysyada qaarada Yurub.

Chelsea iyo AC Milan ayaa markale ka wada xaajoon kara qorshe cusub oo uu Alvaro Morata ugu biirayo Milan iyada oo Chelsea xiisaynaysa gool dhaliyaha reer Portugal ee Andre Silva oo hadda Milan amaah kaga maqan kaas oo Sevilla waqti fiican ku qaadanaya. (The Sun).

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez Oo Doonaya In Isbadal WAYN Uu Kooxdiisa Ka Sameeyo isaga oo lacag badan ku dalban doona Eden Hazard Iyo Christian Eriksen.

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa liiska gool dhaliyaasha uu doonayo bishan January ku halka ugu saraysa kaga darsaday gool dhaliyaha Inter Milan ee Mouro Icard oo 25 sano jir ah. (Mirror)

Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay Man United ka iibiso Ivan Perisic oo waqti dheer bartilmaameed u ahaa Red Devils waxayna Inter doonaysaa in ay lacagtiisa u adeegsato sidii ay Modric ugala soo wareegto Real Madrid. (TuttoSport)

Dhinaca kale Man United ayaa aqbashay in ay ilaa suuqa xagaaga sugto difaaca ay doonasyay in ay hadda la soo wareegto ee Kalidou Koulibaly oo ka tirsan Napoli inkasta oo 27 sano jirkan ay Real Madrid dhinaceeda ka doonayso.(ESPN)

Ander Herrera ayaa Manchester United ku sii nagaan kara kadib markii uu tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer uu xidiga reer Spain ku qanciyay in uu baaqi ku sii ahaado Old Trafford (The Sun)

Gudoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy oo looga bartay wada xaajood gacmaha looga jabo ayaa Real Madrid u sheegay in ay bixiyaan 225 milyan gini haddii ay doonayaan saxixia Christian Eriksen (AS)

Chelsea ayaa ku sii dhawaanaysa in ay Kooxda AC Milan kala soo wareegto Gonzalo Higuain oo 31 sano jir ah iyada oo Blues xidhiidh la samaysay maamulka Milan (Marca)

Kooxda Bayern Munich ayaa ku guulaysatay saxiixa xidigii xulka qaranka France koobka aduun kula soo guulaystay ee Benjamin Pavard kaas oo ay la gaadhay heshiis shan sano ah waxayna Bayern Munich heshiiskan ku dhawaaqday iyada oo isku diyaarinaysa kulanka Liverpool ee Champions League iyo sidii ay Dortmund ugula tartami lahayd koobka Bunesliga.

Laakiin Bayern ayaa sheegtay in uu kooxdeeda soo gaadhi doono July 1,2019 oo ah maalinta uu furmi doono suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan.

Barcelona ayaa u furan in ay iska iibiso xidiga reer Brazil ee Malcom oo 21 sano jir ah inkasta oo uu muddo kooban joogay Camp Nou (Mundo Deportivo)

Saddex xidig oo ka mid ah kooxda Chelsea ayaa booqday garoonka kooxda Fullham iyada oo Gary Cahill, Victor Moses iyo Danny Drinkwater la siiyay fursada ay ku booqdeen kooxda Fulham waxayna saddexdan xidig ka mid yihiin magacyada aanu Sarri kooxdiisa ka doonayn.

Xidiga kooxda Barcelona ee Denis Suarez oo 25 sano jir ah ayaa ogoladay in uu ku biiro kooxda uu macalinkiisii hore ee Unai Emery hogaaminayo ee Arsenal oo si wayn u doonaysa in ay kooxdeeda ku soo xoojiso. (Mirror)

Da’yarkii uu Jurgen Klopp shaxdiisa ku soo bilaabay kulankii FA Cupka ee Wolves ee Rafael Camacho ayaa ku dhaw in uu Anfield ka baxo iyada oo kooxda Sporting Lisbon ku dhaw in ay 18 sano jirkan amaah ku qaadato. (Talksport)

Heshiiskii ay gaadheen kooxaha Chelsea iyo Wolves ee ku saabsanaa saxiixa da’yarka Blues ee Tammy Abraham ayaan noqon doonin mid hirgala kadib markii 21 sano jirkan amaahda ku jooga Aston Villa uu diiday in uu Wolves ku biiro laakiin Crystal Palace ayaa hadda doonaysa in ay Tammy Abraham amaah ku qaadato .(Mirror)