WARBIXIN: Barca Hadii Ay Dooneyso Saxiixa Griezmann Waa Inay Iska Iibisaa 3 Xidig [Sabab]

Inkastoo fasal ciyaareedka ay udheelayaan inay ku guuleystaan Koobab, ayaa Barcelona waxay tahay mid aanan ka xishoon doonin inay is-xoojiso fasal ciyaareedka soo socda ama soo aadan.

Suuqii jiilalka, waxay lasoo wareegeen labo ciyaaryahano oo waa weyn, kuwaasoo kala ah: Phillipe Coutinho iyo Yerry Mina, waxayna usocotaa sanadka soo aadan inay xoojiyaan awoodooda ciyaareed ayna lasoo wareegaan ciyaaryahano.

Wada hadalada lagula soo wareegayo ciyaaryahan Arthur ayaa sida iska cad ayaa lasoo gaba gabeeyay, waxaana ciyaaryahankaan reer Brazil uu ku imaan doono bisha Janaayo 2019, aduun lacageed dhan 30 Milyan oo Yuuroo.

Ciyaaryahanka ugu weyn, kaasoo ay Barcelona, ka dooneyso suuqa ayaa wuxuu yahay ciyaaryahan Griezmann, kaasoo Atletico Madrid ka tirsan.

Barcelona, waxay isku deyday inay lasoo wareegto xidigaan sanad ciyaareedkii hore, laakiin waxay noqotay mid lama filaan ah, maxaa yeelay Atletico Madrid, oo shuruud uga dhigatay inay ku beecineso 200 Milyan oo Yuuroo.

Hada waxyaabo badan ayaa isbedalay, waxaa iska cad in ciyaaryahankaan heshiiskiisa lagu burburin karo uu gaarayo aduun dhan 100 Milyan oo Yuuroo.

Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay awoodi kartaa kaliya xiddiga reer France ay hesho inay iibiso ciyaartoy kale.

Ciyaaryahanka kale waxay u isticmaali kartaa si amaah ah, maadaama kooxda ay bixineyso dhaqaalo badan, kuwaasoo ay ku dhisyso garoon cusub.

Tan iyo markii uu furmay suuqa bishii Julaayo, Barcelona ayaa waxay suuqa ku bixisay aduun dhan 436 Milyan oo Yuuroo.

In ka badan kala bar lacagtaan waxay ku bixisay lacagtaan ciyaartoyda kala ah: Coutinho iyo Ousmane Dembele, halka kale 236 Milyan ay u adeegsatay mushaaraadka kooxda.

Lacagtaan waxaa lagu darayaa 120 Milyan kuwaasoo ay kooxda ubixiso si cadaan ah sanad walba marka ay saxiix sameyneyso.

Waqti xaadirkaan, lama oga qofka noqon doona ama ciyaaryahanka kooxda uga tegi doona si xur ah ama Beeca xurta ah ku bixi kara.

Magacyo uu kamid yahay Rafinha ayaa waxay yihiin kuwa ugu sahlan ee kooxda ka tegi kara, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 35 Milyan oo Yuuroo.

Kadib sheekada xidigaan reer Brazil iyo bixitaankiisa wax walba ayaa dhici kara, iyadoona ay imaan karaan ciyaaryahano kale ayna bixi karaan kuwa kale.

Griezmann ma imaan karo Barcelona illaa qolka labiska wax laga bedalo, marka waxay umuuqaneysaa in la fasaixi karo ciyaaryahan Paco Alcacer.

Denis Suarez, Arda Turan, Andre Gomes iyo Aleix Vidal, waa magacyo kale, kuwaasoo la saadaalinayo inay ka dhaqaaqi karaan Bluagrana.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com