WARBIXIN: Barca Oo Qarka U Saaran Inay Cagta Mariso Rikoor Weyn Oo La Sameeyay 38-sano Ka Hor

Camaaliqada horyaalka Spain, ee Barcelona, ayaa waxay labo kulan ay ujirtaa inay jabiso rikoor dhanka guul daro la’aantii ugu badneed ee taariikhda horyaalka La Liga.

Iskoorkaan ayaa waxaa ku haysatay kooxda Real Sociedad, taasoo laga badin waayey 38 kulan oo ay ka dheeshay horyaalka labaad ee aduunka ugu xiisaha badan.

Sociedad ayaa waxay dhigtay rikoorkaan sanad ciyaareedkii 1979-80, waxaana laga joogaa tan iyo xiligaas 38-sano, laakiin Barca ayaa jabin karta.

Bluagrana ayaa sanad ciyaareedkan waxaa laga badin la’yahay 36 kulan oo ay ka dheeshay La Liga, laga soo bilaabo sanadkii 2017 illaa iyo haatan.

Kooxdaan reer Catalan, ayaa waxay ubaahan tahay inay guuleysato labada kulan ee kusoo food leh, kuwaasoo ay la kala ciyaari doonto kooxaha: Sevilla iyo Leganes.

Sikastaba, rikoorkaan ayaa waxaa horey ay usoo sameyso Barca, laakiin ma aysan jabin, iyadoona sanad ciyaareedkii 2010-11 laga badin waayey 31 jeer, iyadoona ka jabisay Real Madrid oo sidaas sameysay 1988-89.

Barcelona, ayaa hadda waxay uga jirtaa shaxda kala horeynta ee La Liga, kaalinta koowaad waxayna leedahay 75 dhibcood, iyadoona 15 dhibcood oo nadiif ah ka horeysa Real Madrid, kuwaasoo horyaalka difaacanaya, laakiin hada ku jira kaalinta 3aad.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com