WARBIXIN: Labo Arrin Baa Sabab U Ah In Neymar Uu Ku Dhibtooda PSG & Xidigaha Barca Oo Ku Lug-yeeshay

Neymar ayaa wuxuu PSG ku biiray fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoona uga soo dhaqaaqay Bacelona oo ka dhisan horyaalka dalka Spain ee La Liga.

Kasoo tegistiisa Bluagrana ma aysan ahayn kuwa ku farax-san, sida laga dheehan karay hadalo ay horey usheegeen ciyaartoydaan, oo ay soo bandhigtay Majalada MARCA.

Hadalada ciyaartoyda Barca ayaa waxay umuuqdaan kuwa laacibkaan fariin digniin ah u ah, marka dhanka kalenana waa kuwa niyad jab u ah xidigaan.

Gerard Pique oo kamid ah, xubnaha ugu muhiimsan Barcelona, ayaa wuxuu sheegay in Neymar hadii uu tagao PSG uusan helin doonin nolashaa dhabta ah ee kubada cagta.

“Waan isku deynay inaan isaga ka joojino ku ka tegista, halkaan laakiin go’aankiisa saxda ah ayuu isaga qaatay,” ayuu daafacaan yiri.

“Wuxii saga ka fikiray waxa isaga ugu muhiimsan ama muhiimada koowaad u ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray wiilkaan jooga dheer.

“Muxuu doonayaa isaga? Ma Koobab? Ama Lacag?” ayuu nafsadiisa weydiiyey Pique, xili uu sidaas kusoo gaba gabeeyay.

Sidaas si lamid ah, Luis Suarez, Lionel Messi iyo Andres Iniesta oo fikirkooda horey uga dhiibtay sheekada Neymar waxay sheegeen in Neymar uu ka fogaaday goob uu ka heli jiray wax walba oo ku saabsan Isboortiga ama kubada cagta.

Ciyaartoydaan ayaa waxay muujiyeen sida ay ujeclaan lahaayeen in laacibkaan uu baaqi kusii ahaado Camp Nou, uu waqtiyo la qaato kooxdooda.

Kaliya ciyaartoydaa iskuma deyi inay ku qanciyaan joogits Barcelona, laakiin waxaa isku deyay madaxda ugu sareysa kooxda sida: Josep Maria Bartomeu, Robert Fernandez iyo Raul Sanllehi, laakiin waa laga awood badiyay.

Sikastaba, Neymar, ayaa inta ka dhiman xili ciyaareedkan wuxuu yahay mid dhaawac ku maqnaan doona, waxaan sidoo kale uu daawan doonaa tartanka Champions League Tv-yadda, maadaama kooxdiisa tartanka oo dhan laga soo reebay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com