WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Aalada VAR Oo FIFA Ay Ogolaatay In La Isticmaalo

Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA, ayaa isku raacay Sabtidii in la adeegsado Aalada caawisa Garooraha kulanka ee loo yaqaan VAR, waxaana macquul ah in xitaa loo adeegsado koobka aduunka ee sanadkaan Ruushka lagu qaban doono.

Madaxweynaha FIFA, ninka lagu magacaabo Gianni Infantino, oo ka hadlay shir Jaraa’id isagoo ku sugan Magaalada Zurich ee dalka Switzerland ayaa sheegay in tani ay kubada cagta ka dhigeyso mid ka baxsan Isqab-qabsi iyo Eexasho

Inkastoo ay jiraan dad dheeliilsan in la adeegsado VAR, hadana waxay macalimiintu isku raacsan yihiin inay tahay hanaanka ugu macquulsan, kaasoo ay ku kala bixin karaa Garsoorka iyo kuwa kooxaha marka garoonka lagu jiro.

Meelaha hada laga adeegsado VAR, waxaa kamid ah horyaalka Premier League, ee dalka Ingiriiska, waana tusaalaha ugu wanaagsan, inkastoo mararka qaarkood ay ka dhacaan Gafaf kuwaasoo sare uqaadeysa dhawaqa kuwa kasoo horjeeda.

Waxay sheegayaan kuwa dhaleeceynaya VAR, inuu yahay mid waqtiga lumiya iyo in go’aamadiisa qaar ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqada, waxayna soo jeediyeen in aysan habooneyn in loo adeegsado kubada cagta.

Sikastaba, codkooda si fiican loo maqlin, waxaana hada uu kamid noqdo kubada cagta, laakiin FIFA kuma qasbeyso Xiriirada kala duwan ee dalalka caalamka in Horyaaladooda ay u adeegsadaan VAR, waana mid ay iyaga xur uyihiin.

Related image

Afarta Sabab Ee Loogu Adeegsanayo Kulamada Aalada VAR:

1 – Marka ugu horeysa inuu sheego in goolka uu yahay mid sharci ah ama in kale, hadii u Khalad yahay ama uu Garab dhaaf yahay. Tiknoolajigu waxay usheegeyaa farqiga jira iyadoo soo bandhigeysa millimitir.

2 – Hadii go’aanka lagu bixiyay rigoorada ay sax tahay ama In kale.

3 – Hubinta in ficilka uu sameeyay uu ku muteysan karo ficil sameeyaha Casaan ama loo adeegsan karo Jaaalo labaad.

4 – Marka garsoorka uu ku Jahwareero go’aan ka qaashada xaalado adag oo garoonka ka dhaca, Qalabkaan ayaa wuxuu siinayaa Talo, taasoo ugu dambeyn uu ku dhaqaaqayo.

Sidoo kale, waxaa intaas dheer Khaladaadka lagu galo xerada Ganaax, Kubadaha gacanta lagu taabto iyo waxyaabo kale oo badan, waana qalab run ahaantii wax badan kusoo kordhin kara kubada cagta casrig ah, sida uu sheegay Madaxa FIFA.

Qiimeynta Tijaabooyinka:

972 kulan ayaa si rasmi ah loogu adeegsaday

693 kamid ah waa saaxibtinimo

98.8 boqolkiiba qiimeyn ahaa waa mid guuleysta

1 qalad ayaa ka dhaca Sadexdii kulan ee aan VAR loo adeegsanin

1 qalad ayaa ka dhacay 19-kii kulan ee VAR loo adeegsado

Isku celcelis ahaan, hal daqiiqo ayaa oo saacadiiba ah ayaa baxeysa go’aan walba oo lagu qaato Qalabka VAR

Ciyaarta caadiga ah ee kubada cagta, sideed daqiiqo iyo 15 ilbiriqsi ayaa lagu lumiyaa Laadka xurta ah, 7 daqiiqo oo ay ku tuuraan Foorada, shan daqiiqo iyo 45 ilbiriqsi oo ka dib goolasha ah, afar daqiiqo barbaraha iyo seddex daqiiqo bedelka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com