Wargeysyada Talyaaniga oo durbaba ku maadeestay Cristiano Ronaldo Ogow sababta

Waxaa xalay bilaawday horyaalka Serie-A balse is badalka ugu weyn ee ka muuqda ayaa ahaa Xiddiga Cristiano Ronaldo kadib mudo dhan 9 sano uu ku sugnaa kooxda Real Madrid uu kaga biiray kooxda Juventus.

Waxaa hubaal ah in qof kasta ay sugeesay in ay daawato kulanka ugu horeeya Cristiano Ronaldo uu kasoo muuqan doono kooxdiisa Juventus.

Xiddiga Potugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kala qeyb galay kooxda Juventus kulankii ay kaga daah furteen horyaalka Serie A xili cayaareedka cusub ee kaasoo ay kula cayaareen naadiga Chievo Verona.

Laakiin sheekada xiisaha badan ayaa ah in Cristiano Ronaldo uu ku fashilmay in kulankan uu wax gool ah ka dhaliyo, xili Juventus ay si dirqi ah guul kaga gaartay 3-2 kooxda Chievo Verona.

Saxaafada Talyaaniga ayaa si cad kaga hadashay kulanka ugu horeeyay Cristiano Ronaldo uu kasoo muuqday kooxda Juventus, waxaana dhamaantood ka wada sinaayeen cinwaanka ah “Horyaalka Talyaaniga ma ahan sida kan Spain oo kale ah waxaa sidaas dhahay xiddiga Cristiano Ronaldo”.