Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Saadaq C/laahi oo wali garab taagan kooxda Jeenyo ogow sababta

Wasiirkii hore wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Mudane Saadaq Cabdulahi Cabdi ayaa sii laba jibaaraya qorshooyinka sarre loogu qaadayo kooxda Jeenyo.

Mudane Saadaq C/laahi oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kullamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo dalkaasi ka soo jeeda, waxaana u jeedka uu yahay hormarada dhan walba ee Kooxda Jeenyo oo ah in la dhamaystiro heshiiska wajigii labaad ee mataanaynta Antalya Sports iyo Jeenyo United.

Waxa uu ku guulaystay heshiiska mataanaynta wajigii koowaad oo kooxda Jeenyo la soo garsiiyay agab dhamaystiran, sidoo kale waxa uu door wayn ka qaatay in garoonkii kooxda uu gacanteeda ku soo laabto.

Inkastoo laga qaaday xilkii uu hayay hadane waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay dhamaystirka mataanaynta labada kooxood oo uu iminka u joogo dalka Turki.

Sidoo kale Mudane Saadaq ayaa sheegay in dadaal uu ku bixin doono qorsho lagu mataanaynayo magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya.

Qoraal uu Facebookiisa soo dhigay ayaa u qornaa Sidan.

Waxaan jeclahay in taageerayaasha Teamkeyga LLPP Jeenyo iyo my home town Kismaayo la wadaago xil iyo xil la’aan in shakhsiyan ay iga go’an tahay dhameystirka howshii aan horey u bilowney ee taageerida Naadiga LLPP Jeenyo iyo dhameystirka xiriirka mataaneynta 2da magaalo (Twin city sisters relationship) ee Kismaayo (Somalia) and Antalya (Turkey), sidoo kale kuwa hore lehna bilowno Inshaa Allah. Waxaan ku rajo weynahay in war farxad leh aad maqli doontaan dhowaan Insha Allah. Finally Mahad balaaran waxaan u jeedinayaa walaaleen Turkiga oo runtii taageera buuxda u haaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.