Watford Oo Ka Yaabsatay Arsenal Waxa Ay Ku kala baxayn Bar-bar Dhac

Kooxda Watford ayaa dhinbcaha ku kala qeybsaday garoonkooda Vicarage Road, iArsenal kaddib markii ay ku kala bexeen barbaro 2-2 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 21-aad Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, kaddib caawin uu ka helay saxiibkiis Sead Kolasinac, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-1.

Markale Pierre-Emerick Aubameyang ayaa gaaray shabaqa kooxda Watford, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-2, xilli uu goolkan si qurux badan u caawiyay Ainsley Maitland-Niles.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen qaab ciyaareed heer sare ah, waxeyna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad xiddiga kooxda Watford ee Tom Cleverley ayaa ciyaarta ka dhigay 1-2, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Gerard Deulofeu.

Daqiiqadii 81-aad kooxda Watford ayaa heshay rigoore, waxaana gool u badalay Roberto Pereyra, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah oo ay ku kala baxeen labada naadi.

Image result for watford vs arsenal

Image result for watford vs arsenal

Image result for watford vs arsenal

Image result for watford vs arsenal

Image result for watford vs arsenal

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com